Maxaan ka ognahay DANAB-ta cusub ee loo diyaariyay duminta kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dufcadii 8-aad guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska ah ee DANAB ayaa Arbacadii tobabar ugu soo idlaaday saldhiga Mareykanku kaalmeeyo ee ku yaalla deegaanka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xilli Soomaaliya ay ku jirto dagaal culus oo iskaga saareyso kooxda Al-Shabaab ayaa dhinaca kale waxaa xoogeysanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku biiraya ciidanka dowladda si ay uga qeyb qaataan dagaalka socda.

Ciidanka loo bilaabayo tababarada iyo kuwa loo soo xirayo ayay sidoo kale dardar-gelisay dowladda Soomaaliya si loo helo ciidan ku filan inay xaqiijiyaan himilada shacabka Soomaaliyeed oo ah in lasoo afjaro Al-Shabaab.

In boqolaal dhalinyaro ah oo si heer sare ah loo tababaray ay Arbacadii kusoo biireen kumaandooska DANAB ayaa la aaminsan yahay inay wax weyn ka tari doonto dagaalka socda.

DANAB oo ay Ameerikaanku tababar ahaan iyo dhaqaale ahaanba kaalmeeyaan waa kuwa ugu tababarka iyo saanad fiican ciidanka xoogga dalka.

Iyada oo la ogyahay in Al-Shabaab ay jab badan kala kulantay DANAB-tii hore in boqolaal kale ay doraad kusoo biireen isla ciidankaasi ayaa walaac weyn ku ah kooxda.

In Al-Shabaab aanay milatari ahaan usii jiri karin ayaa ah dooda ugu sugan ee ay qabaan xeel-dheerayaal badan waqtigan.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo cirib-tirka Khawaariijta, ayaa waxay madaxda dowladda federaalka ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Cutubyadaan soo dhameystay tababarka ciidan ayaa kaalin wax ku ool ah ka qaadan doona dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday dalka, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda oo iyadu ka talin jirtay qeybo kamid ah dalka.