Xog: Somaliland oo bedeshay qorshaheeda DAGAALKA magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood, xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay la sheegaya in ay bedeshay qorshaheedii weerar ee magaalada Laascaanood.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in xuddunta qorshaha cusub ee Somaliland uu yahay waddada Yagoori ilaa Dhooddi oo hadda ay sahaydu u soo marto ciidamada Somaliland. Nin lagu magacaabo Mahad Cambaashe oo isagu u xil-saaran ilaalinta sahayda ayaa waxaa loo dhiibay fulinta qorshahan cusub.

Sahayda uu Mahad Cambaashe soo gudibnteeda u xil-saaran yahay ayaa waxaa loo soo wadaa Tukaraq oo ah meesha ay Somaliland weerarka kaga soo qaadayo magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in isbeddelka qorshaha dagaal uu sababay sida uu maamulka Muuse Biixi u fasirtay war-murtiyeedkii kasoo baxay Puntland, kaasi oo ay ku cadeysay inaysan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda Laascaanood.

Somaliland waxay u aragta hadalka Puntland mid u fududeynaya inay hub, saanad iyo ciidan ku soo urursato si ay u soo weerarto magaalada iyo kuwa kale ay isku hayaan maamulka.

Mahad Cambaashe oo ah ninka Somaliland u xil-saartay qorshaha cusub ayaa waxa uu durtaba dhaleeceyn xoogan kala kulmaya beeshiisa, ayaga oo sheegay in shaqada hadda uu hayo ka halis badan tahay tii uu hayay markuu Laascaanood joogay.

“Mahad Cambaashe halis weyn ayuu beeshiisa galinayaa haddii uu shaqada sahay ilaalinta sii wado waayo dagaalku wuu sii daba-dheeranayaa maadaama hal beel oo Laascaaood degta ay dagaal kula jirto beelo badan oo isku hayb ah,” ayuu yiri nin la hadlay warbaahinta gudaha oo ku sugan Laascaanood.

Masuul hore uga tirsanaa golaha deegaanka degmada Laascaanood oo isaguna arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Halista qorshaha Tukaraq haddii aan laga hortagin oo aan lagu baraarugin, waxaa dhici doonta isir sifayn uu Muuse Biixi ku taamayo.”

Saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa xiligaan ujeedkooda u weyn uu yahay in dagaal uusan ka dhicin galbeedka Sool, dhulkaasi oo uu saadku u soo maro ahna meesha ay ciidamada Somaliland ka hagayaan qorshaha dagaalka Laascaanood.

Dagaalka Laascaanood oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka oo kasoo horjeeda joogitaankooda magaalada, ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama uu weli socdo dagaalka.

Dagaalka ayaa billowday saacado un kadib markii odayaasha gobolka oo toddobaadyo ku shirsanaa magaalada ay soo saareen go’aanno ay ka mid yihiin inaysan qeyb ka ahayn Somaliland, islamarkaana hoos-tagaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale sheegay in degaanada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo Soomaaliya. Taas oo ay soo dhaweysay dawladda federaalka oo ayadu hadda qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo dadka reer Laascaanood.

Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah odayaasha. Hase yeeshee mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland.