IGAD oo diiday mid kamid ah qorshaha madasha

Kismaayo (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa ku celiyay markale ineysan dhici karin in muddo kordhin ay sameeyaan hayadaha dowlada Haatan dhisan, kadib markii ay soo baxeen warar Sheegaya in Shirka Kismaayo si hoose ay isku afgarteen madaxweyne Xasan Sheikh iyo madaxda maamul goboleedyada.

Maxamed Cabdi Afeey, wakiilka urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in marnaba aysan dhici doonin muddo kororsi ay sameeyaan hayadaha dowlada Soomaaliya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayuu sheegay iney horey u saxiixeen in wax muddo kordhin ah aysan sameysan karin hayada dowlada Soomaaliya, taasi oo loola jeeday in dowlada Xasan Sheikh aysan waqtiga sii dheereysan.

Wuxuu sidoo kale sheegay Maxamed Cabdi Afeey in haddii hayadaha haatan jira muddo kordhin sameynayaan qasab tahay in warqada kale oo codsi ah loo diro beesha caalamka iyo golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

“Marnaba ma dhici karto in muddo kororsi ay sameeyaan hadayaha dowlada Soomaaliya ee haatan jira, markii la diidayay muddo kordhinta waxaa warqad cad la dhigay golaha amaanka iyo caalamka”ayuu yiri Afeey.

Maxamed Cabdi Afeey, ayaa sheegay in wadamada caalamka ay la socdaan shirarka ka dhacaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com