Xog cusub: C/Weli Gaas oo qorshe cusub oo lala yaabay la yimid shirka Kismaayo iyo mdaxada….

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa la yimid feker cusub oo ka yaabiyay madaxda maamulada kale iyo xitaa madaxweyne Xasan Sheekh, oo la yaab ay ku noqotay.

Gaas, ayaa intii uu shirka socday soo jeediyay in muddo 4 ama 3 sano muddada xilka loo kordhiyo Baarlamaanka Soomaaliya, lana soo doorto madaxweyne iyo xukuumad cusub oo fuliya in qorshe cad oo doorasho guud dalka uga dhacdo.

Cabdi Weli Gaas ayaa qorshahan uga gol lahaa in meesha laga saaro Xasan Sheekh oo uu u arko inuu yahay caqbadda ugu weyn ee Soomaaliya haysata, isaga oo rajo ka qaba in madaxweynaha cusub uu noqdo qof kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Arrintan ayaa timid kadib is mari waa’ hareeyay shirka Madasha Qaran, laakiin waxaa ka hor yimid oo diiday dhammaan madaxweynayaasha maamulada kale sida Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed, waxaan si weyn ugu riyaaqay fikradan guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan.

Fekrada C/weli Gaas keenay ayuu markii danbe la noqday, waxayna ka mid ahayd isbedelo muhiim ah oo ku dhacay madaxda ku shirsan Kismaayo, laakiin la isku af garan waayay. 

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com