Shirka JOWHAR oo jahwareer madaxa la galay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha ku howlan shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Odawaa ku eedeeyay inuu ka jiiftay mas’uuliyadii ka saarneyd shirka.

Salaad Shirwac oo kamid ah Odayaasha kasoo jeeda Beesha Xawaadle kana mid ah Ergada shirka uga qeybgaleysa magaalada Jowhar ayaa tilmaamay in Wasiir Odawaa uu shirka gacanta u galiyay xubno dhalinyaro ah oo ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha.

Shirwac waxa uu sheegay in xubnaha sida KMG ah usii maamulaaya shirkaasi ay Ergada ka dhex bilaaben nin jecleysi iyo calaamado muujinaayo garabsiinta Ergooyin gaar ah oo ku howlan shirka.

Wuxuu tilmaamay in Ergada qaar aan waxba laga weydin tallooyinkooda halka qaarna ay dhabta gishteen Xubnahaasi islamarkaana loo gacangaliyay nidaamka shirka.

”Inta aan la gaarin midowga iyo heshiis muuqda ayay Dowladu naga dhex bilowday kala geynta Ergada. waxaan cadeynayaa in shirka uu isku bedelay mid ay wataan shaqsiyaad gaar ah waxaana dhaliishaasi aan dusha u saareynaa wasiirka arrimaha gudaha oo shaqsiyaad liita howsha noogu dhiibay”

”Haddii aynu nahay Ergada Hiiraan far ayaa noogu godan shirka socda waxaan madaxda dalka ugu baaqeynaa in fiiro gaar ah loo yeesho sinaan la’aanta madasha ka jirta”

Nabadoonka wuxuu gaashaanka ku dhuftay in DFS aysan wali horumar ka gaarin waxa uu ugu yeeray isbaheysi iyo nin jecleysi waxa uuna ka digay in qaabka uu iminka ku socdo shirka wax lagu sii wado.

Si kastaba ha ahaatee haddalka Shirwac ayaa kusoo beegmaaya xili saacado un ka hor ay Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan qeyla dhaan ceynkaani ah u direen DFS, inkastoo aysan Dowladu ka jawaabin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com