Xog: Shariif Xasan oo diidan qorshe ay Axmed Madoobe, Gaas iyo Xasan Sh. ku heshiin karaan

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in wali magaalada ay ka socdaan kulamo looga hadlayo sidii ay iskugu soo dhawaan lahaayeen madaxda ku shirsan magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheikh Aadan uu aad kaga carooday in warbixino soo baxaya oo sheegaya in is faham hoose uu dhexmaray madaxweynayaasha ku doodaya hab deegaan iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Sababta uu u carooday Shariif Xasan ayaa sheegaya in madaxda dowlada Dhexe iyo hogaanada maamulada Jubbaland iyo Puntland ay isla garteen in hab deegaan lagu soo xulo aqalka sare ee baarlamaanka imaanaya sanadka soo socdo, taasi oo xildhibaano badan uuku weynayaan Baay Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale waxaa wali socda Kulamada gaar gaarka ah oo ay yeelanayaan dhinacyada ku shirsan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana shirarka ku biiray xubno ka socda beesha caalamka iyo dowlada Ethiopia.

Waxaa la filayaa in maanta xal buuxa laga gaaro shirarka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo maalmihii ugu dambeeyay ay isku diidanaayeen madaxda Soomaaliya, laakiin xalay oo kale ay ku biireen dad ajaaniib ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com