R/W CCC oo iska fogeeyay arrin la hadal hayey.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa si hufan uga jawaabay warar ay maalmahaani baahinayeen warbaahinta qaar.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa beeniyay in dhinac uu ka ahaa shirka ku fashilmay magaalada kismaayo, waxa uuna tilmaamay in fashilka shirkaasi dhaliishiisu ay u siman yihiin maamulada dalka oo idil.

Cumar ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay xooga saartay qaabka shirkaasi looga soo saari lahaa natiijo wanaagsan balse nasiib darro maamulada qeybta ka ahaa shirkaasi ay yihiin kuwo iyaga isku mashquulsan.

Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in Soomaali tiradoodu yartahay ay is xukumi waayaan waxa uuna taasi ku micneeyay mid la xiriirta is faquuqa Soomaalida.

Wuxuu sheegay in Dowladu aysan go’aan rasmi ah ka qaadan doonin arrinta murugeysan balse ay sii socon doonaan wada-hadalada u dhexeeya Dowlada iyo maamulada dalka ka jira.

Waxa uu rajo ka muujiyay in mar kale xal laga gaaro kala aragti duwanaanshiyaha Dowlada iyo maamulada dalka, isaga oo cadeeyay in khilaafyada noocaasi ah ay waxbadan ka bedeli doonto Siyaasada Somalia.

Soomaalida ayuu ugu baaqay in arrimahooda gaarka ah ay ku xalistaan miiska dushiisa, waxa uuna arrin aan micno laheyn ku sheegay in Fashilka shirka, isaga oo sabab uga dhigay in fashilkaasi ay ku xigi doonaan guulo.

Dhinaca kale, madaxda maamulada dalka ayuu ku booriyay in wakhti waliba ay diyaar u ahaadan in isbedel lagu sameyn karo go’aanadooda si aysan hal meel u cuskan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com