Xog muhiim ah oo laga helayo sababta Xasan iyo wafdiga DF loogu celshay magaalada Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa shirkii ku fashilmay magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland.

Wararku waxa ay sheegayaa in madaxda DFS oo uu horkacaayay Madxaweyne Xasan Sheekh lagu amray inaysan Kismaayo kasoo bixin.

Ilo xogagaal ku sugan magaalada Kismaayo, gaar ahaan aqalka martida ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in sababta dib usoo laabashada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigooda uu ahaa mid la xiriirta la kulanka xubno ka socda Beesha Caalamka.

Ilo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in Madaxweyne Xassan si gaar ah loo duldhigay amarka isaga oo la faray in magaalada Kismaayo uu kusii nagaado, inkastoo warar kaasi ka duwan ay sheegayaan in Xassan Sheekh uu caga jiid ka muujiyay inuu kusii sugnaado magaalada Kismaayo.

Wafdi ka socda Beesha Caalamka ayaa la soo warinayaa in maanta ay gaari doonaan magaalada Kismaayo, kuwaasi oo la ballansan Madxaweyne Xassan iyo Xubnaha ku wehlinaaya joogitaankiisa Kismaayo.

Beesha Caalamka ayaa rajo ka muujineysa in xal laga gaaro kala aragti duwanaanshiyada DFS iyo Maamulada dalka ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Si dhab ah looma xaqiijin karo sababta Xassan Sheekh iyo Wafdigiisa loogu celshay aqalka martida ee magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com