Xog: Gaas, Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdi Afey oo wada shirqool ka dhan ah Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhow dhow madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulkaasi uu wado qorshe ka dhan ah Xasan Sheekh oo loo gudbinayo beesha caalamka.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Axmed Madoobe oo kaashanaaya C/wali Gaas ay isla wadaan qorista dokumenti lidi ku ah Siyaasada madaxweyne Xasan ee ku saleysan doorashada dalka.

Qorshaha ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wakiilka IGAD u qaabilsan Somalia Afey oo loo xil saaray fulinta qorshaha waxa uuna ujeedku yahay in Xasan Sheekh laga dhigo in Soomaaliya ay xal ka gaari la’dahay.

Qorista warqaddan kadib ayaa waxaa lagu heshiiyay in loo gudbiyo Dowladaha Ethiopia, Kenya, Danjirayaasha Beesha caalamka ka jooga Somalia, Xarumaha QM ee ku kala yaala Kenya iyo Ethiopia iyo Dowlado kale oo aan wali noola carabaabin.

Qorshahaani cusub ayaa ka danbeysay kadib markii Madaxweyne Xasan uu ku gacan seeray Siyaasada Beesha Daarood ee la xiriirta in Xassan ay ka soomiyaan damaciisa ku aadan doorashada soo socta.

Madaxweyne Xassan ayaa dhankiisa ka muujiyay feejignaan inakstoo xiligaani uu lumiyay xiriirkii kala dhexeeyay Beesha Caalmaka waxaana suuragal ah in qorshahaani uu saameyn ku yeesho.

Lama saadaalinkaro xiliga iyo goorta uu soo idlaan doono qorshahani, waxaana jiro xogo muujinaaya in Axmed Mdoobe, C/wali Gaas iyo Afey ay u dad badsanayaan Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com