Yaa kusoo baxay maanta doorashada xildhibaan ee ka dhacday MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kursigii u horreeyey ee HOP#268 oo doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xagaa, kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Maxamed Cali Xagaa ayaa loo qaaday cod gacan taag ah, wuxuuna helay 98 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa kursiga labaad ee HOP#267 ku guuleystay Saynab Maxamed Caamir oo horey ugu fadhiday kursigaas, taas oo iyana kusoo baxday codeyn gacan taag.

Marwo Saynab oo heshay 97 cod ayaa waxaa u tanaasushay Sucaado Muumin Maygaag oo kula tartami laheyd doorashada.

Kursiga saddexaad ee HOP#236 waxaa kusoo baxay Cadnaan Cismaan Cilmi ( Boqore) oo aan wax galin wax tartan ah, wuxuu isna helay 99 cod oo gacan-taag ah.

Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ayaa sidoo kale kursiga afaraad ee HOP#269 helay, waxa uuna kusoo baxay 98 cod, kadib markii ay u tanaasushay Buuxo Maxamed Cismaan.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa si dardarleh ku wada doorashada, taas oo qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.