Rag hubeysan oo maanta toogasho ka fuliyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo barqanimadii maanta dabley hubeysan ay ka geysatay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Somalia.

Dilka ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Askariga la dilay ayaa tirsanaa ciidamada dowladda, kuwa qaada Canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyo, waxaana weerar gaadma ah ku dilay rag ku hubyesan Bistoolado.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka fulisay oo baxsatay ay horey usii qaateen qoriga askariga oo goor dambe maydkiisa laga soo qaaday halkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta uu falku ka dhacay, kuwaas oo sameeyey baaritaano dheeraad ah, walow aysan cidna gacanta kusoo dhigin.

Maalmihii u dambeeyey waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan oo ay badi sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, arrimana oo dil ayaa kusoo aadaya, xilli haatan magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.