Farmaajo oo kulan xasaasi ah ugu yeeray Qoor Qoor iyo Lafta Garen + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shalay qorax dhicii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana uga sii horeeyey hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Labada hoggaamiye waxay saaxiibadooda iyo dadka la kulmay u sheegeen inay rabaan inay shir gaar ah ku yeeshaan Muqdisho, laakiin shir gaar ah iyo Muqdisho waa is-diideen.

Xog aan ka helnay socdaalka labada hoggaamiye ayaa ku xireysa madaxweyne Farmaajo. Dadka sida dhow ula socda safarka Qoor Qoor iyo Laftagareen waxay xaqiijiyeen inuu labada nin u yeeray madaxweyne Farmaajo oo ay shirko siyaasadeed yihiin.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli ka socota labadaas maamul. Laftagareen wuxuu dhawaan soo dhajiyey kuraastii lagu qaban lahaa magaalada Baraawe, isagoo ka hor tagayey qorshe ay madaxda maamulada qaar rabeen in looga takhaluso qorshaha laba deegaan doorasho ee madaxweyne Farmaajo.

Galmudug 9 kursi oo golaha shacabka ah ayaa illaa hadda la doortay, wararku waxay sheegayaan in qaar kamid ah kooxda madaxweyne Farmaajo inay shaki ka muujiyeen sida uu Qoor Qoor u dhigayo kuraasta qaar, taasi oo shaki ku keentay qorshaha wada-shaqeynta labada dhinac

Sidoo kale, wararka damaca Qoor Qoor ee waayadaan soo xoogeystay ayaa dadka qaar sheegayaan in kooxda madaxweyne Farmaajo tuhun ka qaaday.

Si walbaba, kulankan waa wada-tashi iyo is turxaan bixin. Laftagareen isaga shaki badan lagama qabo oo sidii uu Farmaajo rabay ayuu illaa iyo hadda howsha u wadaa, balse loogama maarmo xoojinta heshiiska saddex geesoodka ah, ayey leeyihiin ilaha aan la hadalnay.

Waxaa kaloo jira warar sheegaya in dhinacyadu ka wada hadlayaan aragti horey miiska u taalay oo ah awood qeybsi siyaasadeed.

Saaxiibada ku dhow dhow hoggaamiyaha Galmudug waxay maalmihii dambe bilaabeen inay kor u sheegaan inuu Qoor Qoor damac federaal ah ku jiro, balse musharixiinta xilka madaxweynaha weli arrintaasi ma aaminsana.

Qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweyaha oo aan la hadalnay waxay arrintaasi u arkaan mid uu Qoor Qoor iyaga albaabada uga xiranayo, si uu Farmaajo kuraas ugu soo saaro, iyadoo arrinta loo ekeysiinayo inuu Qoor Qoor wato shaqo isaga u gaar ah.

Waxaa marna la inkiri karin inuu Qoor Qoor wax rabo, laakiin inta ay la egyihiin waxa uu rabo weli ma cadda, ayey leeyihiin dadka qaarkiis.

Weli lama hayo saacadda iyo maalinta kulanka dhex maraya seddex hoggaamiye ee Farmaajo, Qoor Qoor iyo Laftagareen kuwaas oo hadda ku wada sugan magaalada Muqdisho, xillii uu Ra’iisul Wasaare Rooble safar ugu maqan yahay dalka Imaaraadka, iyadoo lagu xamanayo inuu lacag u raadiyey qaar ka tirsan musharixiinta xilka madaxweynaha.