Maxamed Gantisa: “Inaan dhintay ayey moodeen qoyskeyga, waa la i illaaway”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa shalay laga sii daayay nin u dhashay qowmiyadda Oromada ee wadanka Itoobiya kaas oo xabsigaas ku xirnaa muddo 20-sano ah.

“Markii la i xirayay waxaan jiray 21 sano, markaas baa iigu dambeysay magaalada”, ayuu u sheegay BBC Somali, Maxamed Muuse Gantisa.

Sanadkii 2001 ayey maxkamad ku talla magaalada Hagryesa ku xukuntay 8-sano oo xarig ah iyo inuu bixiyo magta ninka uu gacantiisa ku dilay, maadaama ay maxkamaddu ku heshay dambiga.

Uma suuragalin muwaadinkaan inuu helo lacagta diyada, sidaas darteed wuxuu xabsiga kusii jiray sanado dheeraad ah, sanadkii 2019 ayeyna xabsiga isku barteen Cabdimaalik Muuse Coldoon oo isna halkaas lagu xiray.

Coldoon ayaa ka qeyb qaatay sii deysmada ninkaan maadaama uu soo aruuriyay lacagahii diyada ahaa ee lagu lahaa, shalay ayaana xabsiga laga sii daayay kadib 20-sano uu xirnaa.

Sida wararka qaar ay sheegayaan $700 oo doolar oo ah qeyb ka mid ah diyadii uu u xirnaa muwaadinkaan ayaa la bixiyay.

“Qofkasta waan kaa bixinayaa ayuu ku odhanayaa (diyada) mana jirin qof iga bixiyay”, ayuu sheegay.

Maxamed Gantisa, wuxuu tilmaamay in reerkiisa aysan ka warhayn in uu xiran yahay. “Waxay u haystaan in aan dhintay. Beri hore ayaa la i illaaway. Hadda wax xiriir ah lama lihi”, ayuu yiri.

“Farxad ayaan dareemay markii la ii sheegay in la is siideynayo. Labadii bilood ee aan sugayay in la i sii daayo, hurdaba waan iska daayay farxad daraateed”.

Maxamed Gantisa ayaa la sii daayay ka dib markii kala bar diyadii laga bixiyay, barka kalena laga cafiyay. Waxaa ka cafiyay niman qaraabo la ah ninkii uu Maxamed Gantisa dilay ee xabsiga uu ku muteystay.