Maxaa looga hadlay kulankii uu R/W Rooble la qaatay xubnaha beesha caalamka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga kulan kula yeeshay wakiilada beesha caalamka sida lagu baahiyay qoraal lasoo dhigay barta facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in kulankaan looga hadlay sidii horay loogu sii wadi lahaa wada xaajoodyada u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo la hirgalinaayo heshiiskii doorasho ee 17-kii September 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Sidoo kalana aysan ka marneyn hirgalinta is fahamkii dhexmaray guddiyadii farsamo ee ka socday dhinacyada kala duwan, kuwaas oo laba maalmood ku shiray magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in beesha caalamka ay sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ku bogaadiyeen kaalintii uu ku lahaa is fahamkii uu la gaaray midowga musharaxiinta kadib shir ay yeesheen 25-kii February.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA XAFIISKA RA’IISUL WASAARAHA:

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka, kaas oo looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo.

Shirkan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo.