Xog: Beesha caalamka oo go’aan ka gaareysa shirka doorashda ee la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa xoojisay dadaallada ay isku soo dhaweyso dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah ee is-diidan, waxaana la sugayaa inay soo saarto go’aan horay loogu sii socdo.

Labada dowlad goboleed ee Jubaland iyo Puntland ayaa laalay shirkii uu 18-kii February ku baaqay sii hayaha madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxeyna dalbadeen damaanad qaad dhan amni ah iyo dhan fulinta heshiiska ah, kadib heshiiskii guddiga farsamo ay ku gaareen Baydhaba.

Sidoo kale, shirkii ka dhici lahaa Muqdisho waxaa saameyn ku yeeshay dhacdooyinkii 19-ka February ka dhacay Muqdisho, weerarkii madaxweynayaashii hore iyo rasaastii lagu furay dad dhigayay banaabax nabadeed oo ay ku jiraan masuuliyiin hore dalka, musharaxiin iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Iyadoo ay taasi jirto ayey beesha caalamka mar kale soo faragalisay, waxaana jirtay iney shuruudo la yimaadeen dowladaha Jubaland iyo Puntland, sidoo kalana musharaxiinta oo ay u badan tahay in laga qeyb galiyo shirka la abaabulayo ayaa iyaguna shuruudo gudbiyay.

Saddex qodob ayaa ugu muhiimsan shuruudaha ay soo gudbiyeen Jubaland iyo Puntland, waxey doonayaan in beesha caalamka ay ay damaanad qaado fulinta wixii kasoo baxa shirka, in shirku ka dhaco meel dhex-dhexaad ah iyo in shirka laga qeyb galiyo musharaaxiinta mucaaradka, waana qodobo uu markii hore diidanaa FARMAAJO.

Beesha caalamka waxey sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ku cadaadiyeen inuu qaato doorka nabadeynta, waxaana la sugayaa shaacinta shir ka dhici doona Xalane.

Shirkaas lagu wado inuu xalane ka dhaco ayaa la filayaa inuusan ka qeyb galin FARMAAJO, waxaana ku matali doona xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.