Maxay aheyd farriintii XAMAR ay u dirtay Shabaab maalin un kahor qaraxii xalay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Halkani waa Muqdisho, sanadku waa 2023, dhalinyar aan dowladda dhex joogin ayaa la hadlaya argagixisada. Waxay farriintooda kusoo aadiyeen asbuucii ay argagixisada fulisay xasuuq wadareedkii Soobe.

“Guul ama Geeri, Guul. Cadowga ha jabto, Khawaarijta ha jabto,” ayay ku dhawaaqayeen dhalinyarada dibadbaxa ka dhigay magaalada Muqdisho.

Dib u laabo dhowr sano, in aad aragto dhowr kun oo dhalinyaro reer Muqdisho ah oo cabsi la’aan u cabiraya dareenkooda argagixiso diidka ah waa adkeyd.

Goobta ay dhalinyaradan iskugu soo baxday ma ahan goob xidhan. Dadkaan lama soo baarin, ciidan gaar ah oo amnigooda qaabilsan looma diyaarin laakiin xaqiiqada ayaa halkaan soo gaartay oo cabsidii waa suushay ama si weyn ayay hoos ugu dhacday.

Waxaa lasoo gaaray marxalad ay dadka dhihi karaan argagixiso waqtigiina waa dhamaaday ee iska baxa ama hubka dhiga. Farriinta dadkani keliya ma ahan inuu amniga caasimadda isbeddalay ee dhinaca kale waa inay dadka badi garteen inay ka badbaadeen qorshah gumaadka ah ee argagixisada.

In fikir ajnabi oo laga soo iibsaday koonfur dhexe Eeshiya, oo kan soo iibsaday uusan ogeyn waxa uu dhali doono dhamaadka, in aad aqbashid in dalkaaga lagu talaalo oo lagu dilo waalidka, walaalaha, saaxiibada, caruurtada ama ugu dambeyn adiga, ma ahan wax caqliga fiyoobi haa dhihi karo.

Farriintan ka timid dhalinyarada reer Muqdisho ma farxad gelinayso argagixisada, waase ku qasban yihiin in waaqica aqbalaan. Waa dareen bulsho oo aan laga dhuuman karin. Waa cadeyn ku filan in dadka qaateen in aan la bixin fursad uu gumaadka kusii socdo.

Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho weli ma helin wixii ay u qalantay, inay heshana waxay ku xiran tahay inay ka adkaato argagixisada. Dareenka bulsho ee noocan ah waa cadeynta koowaad ee in la fahmay xaqiiqada iyo in la haayo dariiqi lagu soo afjari lahaa mashruuca argagixisada.