Sawirro: Maxay culumadii caawa u tagay la wadaageen madaxweyne Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Madaxtooyada kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culumada uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.

“Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta, waxbaridda iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay kulankaas.

Dhankooda culimada uu la kulmay waxay la wadaageen Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo tilmaamay sida ay dowladda ugala shaqeynayaan xaqiijinta “Soomaali heshiis ah.”

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira sidii ay bulshada ugu qanci la haayeen xukuumadda cusub ee berri la hor geynayo golaha shacabka, si codka kalsoonida loogu qaado.