PUNTLAND oo maalmaha fasaxa toddobaadka ka bedeshay Khamiis iyo Jimce

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka golaha wasiirrada, kaasi oo laga soo saaray go’aan ku saabsan maalmaha fasaxa ee toddobaadka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa todobaadkaan diiradda waxaa lagu saaray, arrimo ay ka mid yihii Amniga guud, Tallo-soo jeedinta iyo waxka bedelka maalmaha shaqada ee Puntland, Soojeedinta iyo Ansixinta khidmada iyo ganaaxyada wado marista.

Sidoo kale waxaa shirka  looga hadlay, soo bandhigista Sanduuqa Horumarinta degmooyinka iyo xoojinta xiriirka Isku xirka iyo Hay’adaha Dowladda dhexe ee Puntland iyo warbixin ay Golaha la wadaageen xubnaha ka mid ah Golaha Wasiirada oo safar ku tegay Gobolka Mudug. Sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka.

Wasaaradda Shaqada Shaqalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa Golaha usoo gudbisay talo-soojeedinta iyo waxka bedelka maalmaha Shaqada waxaana  Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, in maalmaha shaqada ay noqdaan 5 cisho, iyadoo wakhtiga shaqada uu yahay  8-da subaxnimo illaa 4-ta galabnimo si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, maalmaha fasaxa ee Puntland waxay noqon doonaan Jimcaha iyo Sabtida.

“Waxaa si gaar ah loo tixgelinayaa in Hay’adaha Dowladda ee bixiyaa adeegyada lagama maarmaanka ah sida dekadaha, Garoomada, caafimaadka, kastamyada inay u shaqeeyaan si joogto ah aan maalmahooda fasaxa wax iskabedeli doonin,” ayaa lagu sii yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay Shirka.

Waxka bedelka maalmaha shaqada wuxuu dhaqangelayaa marka Xeerka LR 12, ee Shaqaalaha Rayidka ah wax ka bedel lagu sameeyo ayna ansixiyaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu waday in uu qabsoomay maalintii khamiista 4 August 2022-ka balse wuu baaqday, iyaga oo aan la ogeyn sababta uu u baaqday, ayaa Madaxtooyada Puntland maanta lagu qabtay.