Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa looga hadlay dhismaha maamul-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ee xalay looga dhowaaqay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Wasaaradda arrimaha gudaha oo faah-faahin ka bixisay gabagabeynta shirweynihii xalay lagu soo xiray magaalada Laascaanood ee lagu dhisay maamulka cusub ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray shacabka ku dhaqan saddexda gobol ee loo dhisay maamulkaasi.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u bogaadisay dadaallada nabadeed, wadatashiga iyo midnimada bulshada deegaannad SSC ee horseeday guusha wayn” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale, wasaaradda arrimaha ayaa intaasi kusii dartay in maalmaha soo socda la guda geli doono wejiga saddexaad ee geeddi socodka dhammeystirka, iyada oo diiradda la saari doono dhismaha hay’adda koowaad oo ah baarlamaanka cusub, kadibna la aadi doono qabashada doorashada madaxweynaha cusub iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka.
Ergooyinkii ku shiray magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay maamul-goboleed cusub oo la magac baxay ‘Waqooyi-Bari Soomaaliya’, soo si rasmi uga mid noqonaya dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.
Shirweynaha lagu ansixinayay dastuurka, ayaa 417 ergo oo matalayay beelaha deegaanka waxa ay si aqlabiyad buuxda ah ku ansixiyeen dastuur iyo calan cusub oo uu yeelanayo maamulka, kaas oo ka talin doona gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn.
Maamulkan cusub ayaa beddelaya maamulkii ku-meelgaarka ahaa ee SSC-Khaatumo, kaas oo hoggaaminayay ololihii militari iyo siyaasadeed ee lagu qabtay magaalada.
Aas-aaska maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay in lagu rasmiyeeyo heerkiisa Dowlad-Goboleed ka tirsan Federaalka, isagoo si toos ah ula shaqaynaya dawladda dhexe ee magaalada Muqdisho, isla markaana caqabad ku noqonaya sheegashada dhuleed ee derisyadiisa awoodda leh ee Somaliland iyo Puntland.


