28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Maxay DF ka tiri go’aanka ka soo baxay maxkamadda EAC?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si faah-faahsan uga hadashay go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika ee Arusha oo shalay dib u dhigtay ku dhawaaqista go’aanka dacwadda xubnaha Soomaaliya ku metelaya baarlamaanka urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

Habdhowraha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo goobjoog ahaa maxkamadda ayaa sheegay in maxkamaddu ay dib u dhigtay dhaarinta xubnihii metalayay Soomaaliya, si ay ugu biiraan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ee (EAC).

Nuux ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka maxkamadda uu deg-deg ka muuqday, isla markaana aan lagu saleyn, sida ay u shaqeyso hannaanka siyaasadda Soomaaliya.

“Maanta waxa dhacay waxa uu ahaa wax aad moodid inuu degdeg ku jiro go’aanka maxkamadda ayaa maanta soo baxay wuxuuna ka hadlayay hal arrin oo ku saabsaneyd in dib loo dhigay go’aankii lagu dhaarin lahaa xubnihii metalayay Soomaaliya ee ka qayb-geli lahaa Baarlamaanka Bulshada East Afrika” ayuu wareysiga ku yiri Habdhowre Nuux.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Maxkamaddu waxay aad uga hadleysaa in dadka ay ku yimaadaan xisbiyo iyo dimuquraaddiga, laakiin Soomaaliya Baarlamaankeeda waxaa lagu fadhiyaa nidaama 4.5”.

Sidoo kale, wuxuu beeniyay wararka sheegaya in uu soo baxay xukun maxkamadeed oo dib loogu celinayo xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya soo xushay ee baarlamaanka EALA.

Xildhibaannada Soomaaliya ayaa horey loo hakiyay sababo la xiriira musuq-maasuq dartiis, kadib markii koox siyaasiyiin Soomaali ah ay dacwad ka dhan ah doorashadaas u gudbiyeen Maxkamadda EACJ ee fadhigeedu yahay Arusha, taas oo haatan dib u dhigtay soo saarista go’aanka dacwadda xubnahan.

Siyaasiyiinta gudbiyay dacwaddan ayaa ku doodaya in hannaankii soo xulista uu baal-maray shuruucda aas-aasiga ah ee ururka. Dacwoodayaasha ayaa sheegay in geeddi-socodka oo dhan lagu soo koobay muddo shan maalmood gudahood ah, isla markaana musharrax kasta laga qaaday lacag diiwaangelineed oo gaaraysa ku dhowaad $10,000.

Waxay ku eedeeyeen in liiska kama dambaysta ah lagu saleeyey eex iyo qaraabo-kiil, laguna soo koobay shakhsiyaad xiriir dhow la leh madaxda sare ee dalka, halkii laga hubin lahaa inuu ka dhex muuqdo aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in doorashadu u dhacday si waafaqsan xeerarka dalka, waxayna wacad ku mareen inay kiiska iska difaaci doonaan. Waxay ku doodayaan in murankan uusan noqon mid carqaladeeya dadaalka ballaaran ee dalku ugu jiro inuu si buuxda u dhexgalo hay’adaha kala duwan ee EAC.

Si kastaba, waxaa si weyn loogu dhag taagaya go’aanka kasoo bixi doona maxkamadda, kaasi oo Soomaaliya u noqon doona guul ama dhabar-jab siyaasadeed, maadaama Dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixisay ku biirista EAC iyo soo xulista xubnaheeda baarlamanka EALA, oo haatan ay ka harsan tahay wax ka yar laba sanno

- Advertisement -

Read more

Local News