Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu wareejiyo dhulka baaxada leh ee laga dhisi doono Saldhiga Militery ee laga weerari doono Xuutiyiinta Yemen.
Dhismaha iyo Howlgalinta Saldhigaani ayaa waxa uu caqabad ku noqon doonaa Qaranimada Somalia, iyadoo ay xusid mudan tahay in Saldhigaasi lagu bixiyay ogaal la’aanta Dowlada Somalia.
Dowlada Somalia ayaa dhismaha Saldhigaasi ku weyn doonta xiriirka kala dhexeeya Dowlado dhowr ah oo ay ugu horeyso Iran iyo dowlado kale oo kasoo horjeeda godobfalada ay Dowlada Imaaraadka ka geysaneyso dalka Yemen.
Hirgalinta Heshiiska Somalilan iyo Imaaraadka ayaa sidoo kale Dowlada Somalia uga dhigan hoos u dhac ku imaada Qaranka Somalia waxa ayna tani muujin doontaa in Maamul waliba uu Heshiis gaara la galo Dowlada uu xiriirka kal dhexeeyo.
Dhibaatooyinka ay Dowlada Somalia ka dhexli doonto Heshiiskaani lagu kala saxiixday qolka Mugdiga ayaa waxaa kamid noqon doona in dalka Somalia ka curato Xuutiyiinta si ay ugu sahlanaato duulaanka dhulka oo ay ku qaadayaan Saldhiga Imaaraadka ee Berbera.
Heshiiskaani ayaa sidoo kale suuragalin doona in deegaanada Puntland iyo Khaatumo ay saldhig u noqoto Kooxda Xuutiyiinta ee la doonaayo in laga gumaado magaalada Berbera.
Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sidoo u muuqata in Heshiiskaani uu yahay dabin loo maleehay, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh ku lig lahaa Heshiiska.
Dowlada Farmaajo ayaa iska fogeysay ku raali ahaanshiyaha Heshiiska waxaana lagu wadaa in dhawaan Madaxweynaha Somalia uu socdaal ku gaaro dalka Sacuudiga iyadoo ujeedka socdaalkaasi uu yahay mid la xiriira Saldhiga Militeri ay Dowlada Imaaraadka ka dhisaneyso magaalada Berbera kadib markii Dowlada cusub ay sheegtay in Heshiiskaasi lala baalmaray.
Xuseen Aadan Cige oo ah Afhayeenka Maamulka Soomaaliland ayaa sidoo kale sheegay in 1-da Bisha soo socta Maamulka Dekedda Berbera ay si rasmi ah ugu wareejin doonaan shirkad laga leeyahay Dalka Imaaraatka Carabta.
Lama Saadaalinkaro in Madaxweyne Farmaajo uu ogolaan doono Heshiiskaasi xadgudubka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]