Xog cusub oo ka soo baxeysa qarax ka dhacay guri ku dhow madaxtooyada…

Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax culus oo ka dhacay guri ku yaal meel ku dhow Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu diyaarinaayay guriga uu ka dhacay, waxaana la sheegay inuu geystay khasaaro kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal gabar, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Gabar kale.

Guriga qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay degenaayeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowlada Hoose ee magaalada Jowhar balse waa ay ka badbaadeen oo waxba kuma noqon sida ay sheegeen weriyaal ku sugan magaalada Jowhar.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Cabdiqaadir Buurfuule iyo taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Sh/dhexe Xaayow.

Si dhab ah looma oga sababta ka danbeysay Qaraxa, walow ay jiraan warar sheegaya in Qaraxa uu ahaa mid diyaarsan oo meel ku wajahnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com