Farmaajo oo daaqada ka saaraya 2 arrin oo halis ku ah qaranimada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa walaac gaara ka muujiyay Musuq-maasuqa iyo Cadaalad darida ay ka cabanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka uu ka jiro Musuq-maasuq iyo Cadaalad dari dhanka Garsoorka ah, waxa uuna sheegay in Dowladiisu ay xooga saari doonto baabi’inta Musuqa iyo Cadaalad darida jirta.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in la dagaalanka Musuqa ay baabi’inkarto Wasaarada Maaliyada waxa uuna ballanqaaday in Dowladiisu ay la dagaalami doono Musuqa kusii baahaya dalka.

Farmaajo waxa uu sheegay inuu il gaara ku eegi doono Hay’adaha lagu tilmaamo inay caadeysteen Musuqa iyo Cadaalad darida waxa uuna Hay’adahaasi ugu baaqay inay ka digtoonaadan wax walba oo keeni kara in lagu kaco lunsiga hantida dadweynaha.

Isagoo ka hadlaayay Musuq-maasuqa jira ayuu yiri ” Musuqmaasuqa ma aha kaliya in shaqaalaha hoose lagala dagaallamo. waa in xafiisyada dalka ugu sarreeya ay noqdaan kuwa ka caafimaad qabo musuqmaasuqa”

”Waxaan farayaa Hay’adaha lagu xanto Musuqa in ay kasbadaan kalsoonida canshuur bixiyeyaasha. Shaqada ugu horreyso ee aan ka dooneyno hay’adahan waa in shaqaalaha ka hawl gala xafiisyadaas in ay helaan mushaar joogta oo ay uga fogaan karaan in ay ku takri falaan amaanada loo dhibay”

Isagoo ka hadlaayay Cadaalad darida ka taagan dalka ayuu yiri ”Shacabka Soomaaliyeed wey dhibsadeen Cadaalad darida ka taagan Somalia dalka waxa uu u baahan yahay waxaa kamid ah in sharciga loo sinnaado oo qofkii dambi lagu helo lagu ciqaabo.

Waxaan rajeynayaa in Mas’uuliyiinta gacanta ku heysa Hay’adaha Garsoorka inay u sinaadan shacabka oo aysan cadaawad iyo faquuq ka dhex abuurin”

Haddalka Madaxweynaha JFS ayaa kusoo beegmaaya xili uu dhawaan sheegay inuu la dagaalami doono Musuqa, Cadaalad darida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com