Muqdisho (Caasimada Online)- Dowlada Ethiopia ayaa ka hadashay xasuuqii ciidamadooda ay ka geysteen deegaanka Gaashaamo, kaasi oo dad badan ay ku dhinteen.
Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa kulan uu la qaatay kadib madaxweynaha maamulka Somaliland su’aal laga weydiiyay xasuuqa ay geysteen ciidamadooda.
Wasiiro dowlaha ayaa sheegay in dhacdadaasi ay maqleen, laakiin dowlada Ethiopia ay sameyneyso baaritaano ku aadan waxyaabaha sababay dilka iyo dhibaato iney ka jirtay deegaanka iyo inkale.
Sidoo kale wuxuu sheegay in cadaalada la horkeeni dooni dadkii ka dambeeyay balse marka hore la sameynayo baaritaan arimahaasi lagu xaqiijinayo.
Hoos ka daawo muuqaalka
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

