Xog: Jabuuti oo heshay dokminti sir ah oo lagu meel-marin lahaa magaca Faarax C/qaadir (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa Asbuucyo kadib shaaca ka qaaday in magaciisa laga been abuurtay islamarkaana lagu rartay Markab siday deeq kaasi oo ku socday dalka Yemen.

Markabka wada Shixnadda been abuurka ah oo lagu magacaabo MV-LIBERTY, ayaa waxaa la soo sheegayaa in Faarax magaciisa lagu kireeyay isaga oo carro aawgeed dacwad arrintaasi la xiriirta u gudbiyay Xeer-ilaalinta Qaranka taas oo uu kaga cabanayo in Magaciisa si been abuur ah loogu isticmaalay in lagu Kireeyo Markab Shixnad lagu sheegay Gargaar Biniaadannimo oo ku socotay Magaalada Xudayda ee Wadanka Yemen.

Macluumaadkaani ayaa waxaa la sheegayaa in loo gudbiyay Xeer ilaalinta Qaranka waxaana iminka la cadeeyay in Markabkaasi laga dhex helay Liis dheer iyo Dukumiintiyo been abuur ah oo laga sameeyay Xildhibaanka.

Markabka wada Shixnadda been abuurka ah oo lagu magacaabo MV-LIBERTY, ayaa waxa uu iminka ku xiran yahay Xeebta dalka Jabuuti, waxaana ku socda baaritaan sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow Dowlada Federaalka.

Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa ku doodaaya in dano gaar ah laga lahaa isticmaalka magaciisa, waxa uuna cadeeyay in howlaha Markabkaasi iyo macaawinada uu wado uusan waxba kala socon, magaciisana loo adeegsaday qaabab khaldan.

Magaca Xildhibaanka ayaa waxaa isticmaalay Hay’ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation oo lagu sheegay in ay ka diiwaangashantahay Dalka Kenya,taas oo lagu tilmaamay in uu xildhibaanku ka mid yahay Aaas-aasayaasha Hay’addaas ee Markabka Kiraysatay.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Xildhibaan Faarax iyo Hay’adaasi uu ka dhex dhashay muran, sidaa aawgeedna uu dib ula laabtay kalsoonidiisa, waxa ayna dadka qaar sheegayaan in Faarax uu Xubin sare ka yahay Hay’ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation.

Ilaa iyo Hadda ma cadda xaqiiqda dhabta ah waxaase socda baaritaano lagu hayo Hay’adda iyo Markabka oo iminkaba ku xiran Xeebta Jabuuti, waxa uuna kusii jeeday dalka Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com