Gaas iyo Madoobe oo muqalasiin ka dhex sameystay xarumaha DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa si xooli ah Xarumaha Dowlada uga dhex shaqeynaaya Xubno adeegayaal u ah Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland kuwaasi oo suuq u raadinaaya iibinta xubinimada Xildhibaanada cusub ee BFS.

Xubnahaani ayaa qaarkood ka tirsan Baarlamaanka hadda jira waxaana lasoo sheegayaa in isku xirayaal ay u yihiin maamuladaasi iyo Siyaasiyiinka Goboladaasi kasoo jeeda ee doonaaya inay ku biiraan Baarlamaanka cusub.

Xubnahaani adeegayaasha u ah Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas ayaa caqabad ku ah kulamada Baarlamaanka waxaana dhacda in xiliyada qaar ay Xildhibaanada geeyaan magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe si ay heshiis ula soo gaaran Madoobe iyo Gaas oo iibinaaya Xildhibaanada cusub.

Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe ayaa waxaa si xad dhaaf ah ugu qulqulaaya Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Ganacsato dooneysa inay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub.

Xildhibaanada ka imaan doona dhanka Jubbaland iyo Puntland ayaa ku imaanaaya shuruudo ay kamid yihiin in xushmad gaar ah ay siiyaan madaxweynayaasha maamulada iyo inay aqbalaan maslaxad waliba oo la xiriirta baahida maamuladaasi.

Ma cadda qiimaha iminka la kala iibsanaayo Xildhibaanada cusub balse waxaa jira xogo sheegaaya in qiimaha uu u dhexeeyo min 15,000 ilaa 20,000 oo dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com