Maxay Faroole iyo Gaas u weerareen xildhibaan Sacdiya?

Madaxweynayaashii hore Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo shir jaraa’ iid ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay iska horimaadkii Isniintii Madaarka caalamiga ah ee Bosaaso ku dhexmaray ciidamada PMPF iyo PSF ee kawada tirsan difaaca Puntland.

Labada Madaxweyne oo iyagu xilka ka tagay iyadoo lasii dhaliilayo ayaa u muuqday inay ku taageereen Xukuumada hadda xilka haysa ee Siciid Cabdullahi Deni go’aankii sababay dagaalka ka dhacay magaalada Bosaaso, taasi oo u muuqata mid sababi karta in lasii huriyo xiisada ka taagan magaalada xarunta u ah dhaqaalaha Puntland (Bosaso).

Hoggaamiyayaashaasi hore oo aan la mahdin xukunkoodii intii ay maamulayeen deegaanada Puntland kuna fashilmay dhanka dhaqaalaha, amniga, maamulka iyo doorashooyinka, ayaa eeda dagaalkii ka dhacay Bosaaso dusha ka saaray guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Salaad?

Yaa leh eeda dhiiga la daadiyey?

Waxaase la yaab ah in labada hoggaamiye ay ku doodeen in Xildhibaanad Sacdiya oo kasoo jeeda Puntland aysan amar kasoo qaadan xukuumada Puntland ee Garowe imaanshaheeda Bosaaso!

Hadiiba loo raaco fikirka ah in ay ogolaansho uga baahneyd Xukuumada Puntland, waxaa la isweydiinayaan jawaabta Puntland ma waxay ahayd inay diyaarada hawada ka celiso oo khatar iyo halis geliso rakaabka saaran diyaarada u socotay Bosaaso?

Mase mudneyd in rasaas laga dhex rido Madaarka Caalamiga ah ee Bosaaso oo weerar lagu qaado ciidamadii PSF ee la sheegay inay u yimaadeen illaalinta wafdiga?

Soo kuma filneyn in Puntland war kasoo saarto imaanshaha Xildhibaanad Sacdiya hadiiba ay dhibsatay oo ay hadal iyo garnaqsi ku qeexdo waxa ay dhibsadeen, balse Bosaaso ma mudneyn in markale lagu daadiyo dhiiga dhalinyarada u taagan difaaca Puntland Taliskii ay doonaan haka tirsanaadeenee.

Amarkii Madaxweyne ku-xigeenka

Puntland marka uu ka maqan yahay Madaxweynuhu waxaa ku-sime ka ah madaxweyne ku-xigeenka oo amrey in diyaaraddu soo degto, laakiin amarkiisa la diidey, waxaana uu mas’uuliyadda dhibatadaas dusha ka saarey labada wasiir ee sida tooska ah ulla xiriiraayey Madaxweynaha dalka maqnaa xiligaas, laakiin arrintan uma muuqan Gaas iyo Faroole.

Faroole iyo Gaas oo uu weli sii muuqdo raadkoodii dhaqaale burburka ahaa oo ay uga tageen Bosaaso iyo guud ahaan gobalka Bari halkaas kuma ekaan oo waxay meesha ka saareen Kaalinta Issimada iyagoo ku dooday in issimada kaalinta kaliya oo ay leeyihiin ay tahay (Nabadeynta Beelaha Is-dagaalay?).

Arrintan oo u muuqata mid wadada loogu sii xaarayo in meesha laga saaro awoodii Dastuuriga ahayd ee Issimada oo ah hay’ada kaliya ee xiligan la xisaabtami karta siyaasiyiinta xukunka haya ee wakhtigoodu kooban yahay.

Mase yihiin labada hogaamiye kuwii xiligan talo laga dhageysan lahaa?

Cabdiraxmaan Faroole waa hogaamiyihii magaalada Bosaaso kusoo rogay cunqabateyn oo mamnuucay inay xafiisyo ka furan karaan hay’adaha caalamiga ah, halka Cabdiweli Gaas lagu eedeeyo heshiiskii DP World ee dekada oo Bosaaso ku keenay dhaqaale burbur xoogan.

Faroole, oo isagu xusul duub u galay inuu markii 2aad noqdo Senator Federaal, ayaa hada waxaaba la oron karaa waa caqabada hortaagan doorashadii Qof iyo Cod ee Puntland, maleeshiyaad isaga ka amar qaata ayaa hor istaagay dhismihii golihii deegaanka ee Eyl, kadib markii xisbigiisa looga itaal roonaaday, iyagoo xabad la hor istaagay codkii shacabka magaalada uu kasoo jeedo ee Eyl.

Eyl ayaa sidaa ku noqotay degmada kaliya ee aan gole deegaan illaa iyo hada loo dhisin, sadexdii degmo ee tijaabada u ahayd doorashada Qof iyo Cod.

Waxaa la oron karaa labada hogaamiye talada ay bixiyeen xikmad cusub kuma kordhin xukuumada Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, waxaaba la oron karaa waxayba kula taliyeen inay marto xukuumadan wadadii ay ku baxeen xukuumadihii ay kasoo taliyeen oo nabaro badan oo dhaqaale, amni iyo maamulo xumo uga tagay dhulka Puntland, gaar ahaan Boosaaso.

W/Q: Faarax Axmed Yusuf (Tukaale)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.