Maxay Ilhaan Cumar ka tiri dib u doorashada DENI?

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa ka hadashay doorashadii soo dhammaatay ee maamul goboleedka Puntland, taas oo mar kale dib loogu doortay madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni.

Ugu horreyn Ilhaan Cumar ayaa madaxweynaha cusub ee Puntland ugu hambalyeysay guusha uu ka gaaray doorashada, taas oo dhaxal-siisay inuu sii hoggaamiyo maamulka.

“Hambalyo Madaxweyne Saciid Deni oo dib u doortay. Waxay marag madoon u tahay hogaamintaada inaad noqoto madaxwaynihii ugu horeeyay Puntland ee mar labaad ku guulaysta doorashada” ayay ku tiri war qoraal ah oo ay soo saaray Ilhaan Cumar.,

Sidoo kale waxay u rajeysay guul iyo inuu wax badan ka qabto Puntland 5-ta sano ee soo socota, si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

“Waxaan rajaynayaa in aan arko waxa aad qaban doonto shanta sano ee soo socota adiga oo sii wada dadaalkaaga aad ugu abuuri lahayd barwaaqo iyo xasilooni shacabka Puntland. Kudayo Puntland kudayo, Inshallah boowe guul iyo gobinimo,” ayay sii raaciysay qoraalka.

Saciid Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loogu doortay Puntland, tan iyo markii la aas-aasay maamulkaasi oo 25 sano jirsaday.

Sidoo kale waxaa guushiisa meesha ka saartay isbeddalkii la filayay inuu ka dhaco maamulka Puntland oo ay si weyn isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa horyaalla howlo adag oo ay ugu horreyso mad-madwoga kala dhexeeya dowladda iyo inay qabtaan doorasho qof iyo cod ah.