DENI dhoolatus cajiib ah ka sameeyey Muqdisho iyo xildhibaano reer koonfur ah oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale ayaa galabta Muqdisho ku qabtay kulan weyn oo ay ku soo dhaweeyeen dib u doorashada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta isugu yimid kulankaas waxay ka soo jeedaan koonfurta Soomaaliya, waxayna taageero weyn u muujiyeen Saciid Deni oo noqday ninkii ugu horeeyey ee mar labaad loo doortay madaxweynaha Puntland.

Ugu horeyn guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Madaxweyne Saciid Deni shacabka Puntland waxay kaa rabaan cadaalad, waxqabad iyo shaqo abuur, Soomaaliya oo dhana waxay kaa rabtaa Midnimo, waan kuu hambalyeyneynaa Madaxweyne waana mudneed in lagu doorto mar kale.”

Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg oo ka soo jeeda beelaha Banaadiriga ee Muqdisho dega ayaa qabtay xafladda ay isugu yimaadeen xildhibaanadaan, si ay u soo dhaweeyaan dib u doorashada Saciid Deni.

Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg oo soo abaabulay xafladaan hambalyada ah ayaa yiri, “Aniga oo shir u fadhiya oo Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu nala joogo, ayaan tirinayay codadkii doorashada ee Saciid Deni uu helayey, hal mar ayaan lasoo booday waa guuleystay Saciid Deni, masuuliyiintii shirka fadhisay waa ila yaabeen, waxay halmar dhaheen war xildhibaanka maba nala joogo meelo kale ayuu ka hadlayaa, anigana xamaasad ayaa i qaaday.”

Xildhibaan Saajid oo ka mid ahaa xubnihii lagu casuumay xafladaas ayaa isna yiri,

“Waa farxad weyn dib u doorashada Madaxweyne Deni. Waxaana doortay Xildhibaano ka jawaabay matalaadooda, sababtoo ah waa nin dadaal badan, wuxuu doonayey in Puntland uu ka qabto doorashooyin qof iyo cod ah, balse markii dambe wuxuu uga tanaasulay caqabado siyaasadeed oo soo wajahay, laakiin markaan waxaan u rajeynayaa in maamulkiisa uu gaarsiiyo hormarro la taaban karo.”

Siyaasiyiinta ka soo qeyb gashay kulankaas waxaa ka mid ahaa Cabdi Nuure Siyaad (Cabdiwaal)  wuxuuna dadka reer Muqdisho ka dalbaday inay si weyn u muujiyaan inay raali ka yihiin dib u doorashada Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

“Deegaan kasta wixii dadkiisu qaataan inay caasimaddu la qaadato waa muhiim, dadka Muqdisho waa inay muujiyaan inay raali ku yihiin siyaasigaas lagu doortay Puntland, umadda Soomaaliyeed waa isku wada mid, waana la qeyb saneynaa reer Puntland farxadda iyo isku tashiga ay muujiyeen,” ayuu yiri Cabdiwaal.

Tani waa bandhig siyaasadeed kale oo Saciid Deni uu ka sameeyey Muqdisho, shalay ayuu ka guuleystay 10 musharax oo kula tartameysay kursiga, waxaa lagu xusuustaa taariikhdii uu dhigay doorashadii federaalka oo codad badan uu helay, wuxuuna noqday halka madaxweyne oo labo jeer loo doortay hoggaaminta Puntland.

Saciid Deni ayaa la aaminsan yahay in doorashada soo socota ee dowladda federaalka uu ka qeyb geli doono, waa sameeye siyaasadeed oo cabqari ah, taas oo cabsi weyn ku abuuri karta siyaasiyiinta kale ee sanadka 2026-ka u hanqal taageysa doorashada dowladda dhexe.