Maxay isku hayaan Rooble iyo qaar ka mid ah golaha Midowga Musharaxiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka Ridwaan Xirsi Maxamed oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka, gaar ahaan arrimaha ay isku hayaan iyaga iyo ra’iisul wasaaraha xilka siihaya ee Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Qaar ka mid ah musharaxiinta ayaa shalay soo saaray qoraal aan la isku wada raacin oo ay ku dhaliileen Rooble, waxaana uu Ridwaan sharraxaad ka bixiyey dhaliilaha xoogan ee ay u jeediyeen xukuumaddda ee ku aadan qabsoomida shirka wada-hadallada doorashooyinka ee dhacaya 20-ka bishan.

Afhayeenka musharraxiinta ayaa ku eedeeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka caga-jiidayo isu keenida madaxdii saxiixday heshiiskii 17-kii September oo la doonayo inuu saldhig u noqdo dadaallada socda iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu aad u hooseeyo abaabulka Rooble ee ku aadan qabsoomida shirka loo ballansan oo ay haatan ka harsan tahay muddo saddex cisho ah.

“Waxa aan dooneynaa in wadahadalka uusan dib uga dhicin 20-ka May, balse waxa aan saluugsanahay dedaalka isu keenidda Madaxda ee Ra’iisul Wasaaraha oo si gaabis ah ku socda, waxa aan aaminsanahay in sidii laga rabay howsha Rooble xagal-daac uu ku socdo, waxa uu labo jeer galay safar iyada oo ay taagan tahay arrinta Doorashada,” ayuu yiri.

Shalay ayey aheyd markii musharraxiinta mucaaradka ay shaaciyeen in ra’iisul wasaaruhu ka leexday dhex-dhexaadnimadii uu waday, maadaama loo xil-saaray doorashooyinka.