Sacuudiga oo dadkiisa ka mamnuucay inay u safraan Soomaaliya + Sababta

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa markale dib usoo cusbooneysiisay go’aan dalal ay ku jirto Soomaaliya uga mamnuucday inay u safraan muwaadiniinteeda, si loo xakameeyo faafista cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in muwaadiniintooda aysan u socdaali karin illaa 13 wadan oo ay ku jirto Somalia.

Wadamada uu saameynayo go’aankan ayaa kala ah:- Soomaaliya, Siiriya, Libya, lubnaan, Turkiga, Yemen, Iiraan, Belarus, Armenia, Hidniya, Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo iyo Afghanistan.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xittaa muwaadiniinta Sacuudiyaanka ah aysan  13-kaasi wadan ogolaansho la’aan ku tegi karin duulimad toos ah iyo mid aan toos aheyn.

Horay dowladda Sacuudiga ayaa Bishii Febaraayo ee sanadkan 2021-ka usoo rogtay go’aan lagu karantiilayo muwaadiniinta ka imaanaya 20 dal oo ay ku jirto Soomaaliya.

Si kastaba weli dowladaha caalamka ayaa la tacaalaya xakameynta cudurka safmarka ah ee Coronavirus oo mar labaad kusoo laba kacleeyey dalal badan oo ku yaalla caalamka.