SHACABKA Muqdisho oo billaabay hab cajiib ah oo dhaca looga hortegayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sameeyey arrin cajiib ah oo ay uga hortegayaan falalka dhaca ah ee ay xilliyada habeenkii ah ay kooxo hubeysan ka geystaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ee waaxda Horseed oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sameeyey qorshahan oo ay ragga burcadda ah uga hor istaagayaan xaafaddaasi, iyaga oo Salaadda Maqrib, kadib xira dhammaan wadooyinka soo gala waaxdaasi.

Ujeedada loo xiro wadooyinka jidcadayaasha ah ayey shacabku ku sheegeen in laga hor-istaago mootooyinka Bajaajta oo inta badan lagu geysto falalka amni darrada sida dhaca.

Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay TV-ga Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in dhowr habeen ay gudaha usoo galeen waaxda Horseed rag hubeysan, isla-markaana ay dhac baahsan u geysteen dadka shacabka ah, isaga oo tilmaamay in falalkaasi oo ahaa kuwa xiriir ah ay wax ka qaban waayeen laamaha ammaanka iyo maamulka degmada.

“Meeshaan waxaa ka dhacday dhowr habeen oo is xig-xiga tuugana ay ka qaraabanayaan in ilmihii ay mobeelada ka qaadanayaan inay guryihii soo galayaan wax naga qabanaayana aysan jirin,” ayuu yiri Oday ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay iyagu bilaabeen inay isku tashadaan, isla-markaana ay iska xireen dhammadaan jidadka soo gala xaafadaasi,.

“Anaga hub ma heysano waxaan door-bidnay inaan iska xirno waddooyinka marka habeenkii noqoto, si aysan noo soo gelin tuugo waxaa timid qoryo bistooladooyin wata oo mootooyin wato xaafadda ayey soo galayaan wax alla waxa ay arkaan way qaadanayaan, ayuu sii raaciyey.

Arrinatan la yaabka leh ayaa timid, ka gadaal markii ay si xoogeysteen falalka dhaca ah ee xilliyada habeenkii ah shacabka loogu geysanayo gudaha magaalada Muqdisho.