Xog: Midowga Musharaxiinta oo aan isku raacin qoraalkii lagu eedeeyey R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa isku khilaafay warqad shalay kusoo baxday magaca golaha oo ku eedeysay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka leexday dhex-dhexaadnimadii, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Warqaddaas ayaa lagu yiri “Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo.” 

Wuxuu qoraalka intaas ku daray “Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.” 

Warqadda ayaa waxaa barahooda bulshada ku baahiyey dhowr musharax oo ay ka mid yihiin Cabdulqaadir Cosoble iyo Cabdinuur Sheekh, inkasta oo aysan caddeyn inay ayaga qoreyn iyo in kale, balse waxaa hadda soo baxeysa in xubnaha golaha oo dhan aysan isku waafaqsaneyn warqaddan.

Xubno ku dhow Golaha, ayaa sheegay inaysan ka war-hayn warqaddaas oo ay la yaabeen markii ay ka arkeen warbaahinta.

Sidoo kale, Shadoor Xaaji oo ka tirsan xisbiga Wadajir ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay inaan warqadda loo dhameyn. 

Qof ayaa inuu warqad iska soo qorto isagoo magaca Midowga Musharaxiinta ku hadlaya eedeeyn aan loo meel-dayin iska soo ridaya. Ra’iisul Wasaare Rooble waa in waqti la siiyaa laguna kalsoonaadaa. Waxaan uga mahad-celinayaa Midowga Musharaxiinta sida habsamida leh ay ugu heelan yihiin garab-siinta Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Shadoor.

Inta badan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inaan la gaarin waqti la eedeeyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo xitaa aan la gaarin 20-ka May oo ah xilliga loo ballamay shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxayna ku baaqeen in waqti la siiyo ra’iisul wasaaraha.