Maxay isku hayaan Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo ganacsatada Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Xeer ilaaliyaha Qaran Axmed Daahir ku goodiyay in talaabo adag laga qaadi doono Ganacsatada Dekadda Muqdisho kala soo degta Daawooyinka iyo Bagaashka dhacay ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay jawaab kulul ka baxshay Ganacsatada ku sugan magaalada Muqdisho.

Ganacsatada oo Hanjabaada dadban ee Xeer ilaaliyaha ka carootay ayaa waxa ay sheegen inay aad uga xun yihiin in xiligaani loo jeediyo dhaliilo iyo Hanjabaado wada socda.

Ganacsatada oo shirar ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa Xeer ilaaliyaha ka dalbaday inuu raali galin ka bixiyo Hanjabaada iyo wararka fadeexada ah ee uu ka sheegay Warbaahinta xili uu khudbad ka jeedinaayay Dekadda magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigay Dawo dhacday.

Axmed Daahir, ayay sheegeen inuu la degay sumcadooda, kadib markii ay sheegen inuu garaafeeyay dhammaan Ganacsatada dalka, xili dhowr qof lagu qabtay Dawo dhacday.

Waxa ay sheegen in shaqsi iyo laba ganacsato dartood aan loo ceynkarin dhammaan Ganacsatada, sidaa aawgeedna ay Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Daahir ka dalbanayaan inuu bixiyo raali galin.

Haddalka iyo Carrada Ganacsatada ayaa imaanaya iyadoo maalmahaani magaalada Muqdishi si aad ah looga hadal hayay Dawooyinka iyo Badeecada dhacday ee kusoo qulquleysa magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com