Mas’uuliyiin fadeexooyin lagu helay oo la xabisay + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa xabsi dhigtay Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Olimbikada ee Kenya, kuwaasi oo lagu xiray Xabsi ku yaalla magaalada Nairobi.

Guddigaani ay xirtay dowlada Kenya ayaa waxaa xarigooda loo sababeeyay kadib markii fashilo is biirsaday ay lasoo gudboonaatay ciyaartoydii Kenya u matalaysay ciyaarihii Rio.

Mas’uuliyiinta ay xabsiga dhigtay dowlada Kenya ayaa waxaa tirro ahaan lagu sheegay Seddex mas’uul kuwaasi oo ah kuwa ugu sareeya Guddiga.

Sargaal u hadlay Booliska dalkaasi ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la xiray uu kamid ahaa Xoghayaha Guud ee guddiga, Francis Paul, iyo laba mas’uul kale.

Sargaalka ayaa sheegay in Seddexdaasi mas’uul lasoo taagi doono Maxkamad degdeg ah, waxa uuna bidhaamiyay in lagu helay kiisas musuq iyo inay sabab u ahaayen in laga itaal roonaado Kooxda Kenya u mataleysay ciyaarihii Rio.

Sargaalka ayaa sidoo kale, sheegay in iminka ay wadaan baaritaano hordhac ah, isla markaana ay saxaafada la wadaagi doonaan wixii kasoo baxa baaritaanka ka hor inta aan mas’uuliyiintaasi la horgeyn Maxkamada.

Waxa uu sheegay in fadeexooyinka lagu helay ay tahay in Ciyaartooyda Kenya u ogolaaden inay isticmaalaan dawooyinka kordhiya awoodda jirka.

Kiiska fadeexada ah ee lagu helay mas’uuliyiinta iyo Ciyaartooyda Kenya ayaa waxaa horay uga digay Wasiirka ciyaaraha Kenya oo isaga horay u kala diray Guddiga Olimbikada, hayeeshee waxaa kala diristaasi ka biya diiday dowlada Kenya iyo masuuliyiinta guddiga.

Dhanka kale, fadeexooyinka ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ka ahaayen in Ciyaartooyda loo saamaxay xitaa inay isticmaalaan daroogo ama maandooriye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com