Xasan Sheikh oo qisooyin kaga yaabsaday madaxda Afrikaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag kaga hadlay taariikhooyinkii uu soo maray dalka tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa taariikhooyinkaasi ka sheegay Shir Madaxeedka Caalamiga ee Iskaashiga Afrika iyo Japan ee ka socda magaalada Nairobi, waxa uuna sheegay in Somalia ay soo martay waayo aan iminka carabka xusi karin, waa haddii dib loogu laabto wixii Somalia ka dhacay iyo sida uu iminka yaha xaalka.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Somalia amni ahaan ay karoon tahay dowlado farabadan, halka dowladaha qaar ee dhaca Qaarada Madow ee Africa ay kawada siman yihiin dhibta sida Qaraxyada iyo weerarada Argagixiso.

”Somalia waxa ay cagta saartay wadadii horumarka keliya waxaan hadda u baahanahay inaan helno ganacsato caalami ah oo maalgishta dhulkeena kheyraadka uu buuxo”

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in lama huraan ay tahay in il gaar ah lagu fiiriyo Somalia oo iminka kasii baxeysa dhibaatadii dhowrka sanno la dagay.

Madaxweynaha waxaa u sheegay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir Madaxeedka TICAD ugu baaqey in la dardar geliyo hirgelinta suuqyada xorta ah iyo ganacsiga furfuran, si wax looga beddelo nolosha malaayiin qof oo Afrika ku nool.

Xassan Sheekh inta uu ku guda jiray khudbadiisa waxa uu soo hadal qaaday marxalada siyaasadda ee Somalia oo uu sheegay in horumarka iyo guulaha la gaarey ay daliil u tahay doorashada dhaceysa dhowaan ee waddanku ku soo dooranayo hoggaankiisa iyo goleyaashii matali lahaa.

Dhanka siyaasada ayuu sheegay inay kasoo hagaageyso sidii hore, marka loo eego siyaasadii Somalia looga dhaqmaayay dhowrkii sano ee uu dalka burbursanaa.

Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay si kaltan ah uga kala dhacdo Afrika iyo Japan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com