Sawirro: Muxuu Cabdi Weli Gaas kula kulmay magaalada Istanbul?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa wali ku guda jira booqashadiisa dalka Turkiga waxa uuna isku marayaa inta badan magaalooyinka Turkiga kuwooda ku caanbaxay ganacsiga.

Madaxweyne Gaas oo kulamo kala duwan magaalada Istanbuul kula qaatay mas’uuliyiinta dowlada Turkiga ayaa waxa uu iminka socdaal gaaban ku joogaa magaalada Bursa ee dalka Turkiga, waxa uuna halkaasi ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha waxbarashada iyo shaqaalaha ee dalkaasi.

Gaas, ayaa kala hadlay mas’uuliyiintaasi sii xoojinta xiriirka dhinaca waxbarashada iyo tababarrada shaqaalaha ee maamulka Puntland iyo dawladda Turkiga, isla mar ahaantaana Madaxweynuhu waxa uu kala hadlay dawladda Turkiga sidii ay usii kordhin lahayd deeqaha waxbarasho ee ay siiso Puntland.

C/wali Gaas ayaa dowlada Turkiga u sheegay in Puntland ay baahi daran u qabto in laga caawiyo dhinacyada Waxbarashada, Mashaariicda Ganacsi iyo in lasiiyo minxooyin xadidan oo ay ku tashankaraan.

Intaa kadib C/wali Gaas waxa uu booqasho ku tagay goobaha taariikhiga ah ee dalkaasi oo uu ka mid yahay Masjidka weyn ee lagu magcaabo Emir Suldan, kaas oo ah goobaha laga heli karo taariikhaha facaweyn ee uu leeyahay dalkaasi Turkigu.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalka C/wali Gaas ayaa ah in dowlada Turkiga ay deegaanada Puntland ka hirgaliso Mashaariic lamid ah kan ay ka fulisay Muqdisho, Goobo waxbarasho, Tababaro iyo qodobo kale oo ku xeeran danaha maamulka Puntland.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11