Maxaa ka jira arrintan xasaasiga ee lagu eedeeyey Xaliimo Yarey

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii dhexe ee Somalia uu dalka galay marxalado adag oo ay ugu horeyso boob, ayaa waxaa iminka soo ifbaxeysa eedeeymo la xiriira boob oo loo jeedinaayo Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ibraahim Ismaaciil (Xaliima Yarey).

Xaliima Yarey, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay boobtay dhul ay lahaayen qoysas sabool ah oo isaga barakacay dhulkooda intii lagu guda jiray marxaladihii kala guurka ee uu dalka soo maray.

Nabadoon Maxamed Xasan oo ka mid ah Qoysaskaasi ayaa Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho u sheegay in Xaliima Yarey ay ka boobtay dhul uu lahaa, waxa uuna sheegay in boobka noocaasi ah uu yahay mid cadeyntiisa ay muuqato.

Nabadoon Maxamed Xasan, waxa uu sheegay in Xaliima Yarey ay dhulkooda uga faa’iideysatay muddo kooban oo ay ku jireen Barakac, waxa uuna sheegay in goortii ay isku dayeen inay kusoo laabtaan gurigooda ay halkaasi ugu tageen ciidamo aad u farabadan kana tirsan kuwa dowlada oo halkaasi ka eryay, iyagoo u sheegay in guriga uu yahay mid ay leedahay Xaliima Yarey.

Nabadoonka waxa uu sheegay in dhulkooda aan looga qaadan awood, balse loo adeegsaday awood ciidan sidaana banaanka sare looga saaray guryahooda.

Waxa uu tilmaamay in nasiib darro ay u arkaan in Mas’uul Qaran kana tirsan dowladii laga filaayay inay u kala cadaalad qaado dadka shacabka ah ay kala kulmaan dhac iyo boob, waxa uuna dowlada Somalia ugu baaqay in loo soo celsho dhulkooda ay xooga ku heysato Xaliima Yarey.

Xeyle Xirsi Barre oo isna kamid ah qoyskaasi la boobay ayaa sheegay inuu ku baaqayo haddii ay jirto cadaalad guryahooda looga soo celsho Xaliima Yarey oo adeegsaneysa awooda Qaranka.

Dhinaca kale, waxa ay ka digeen in mar kale loo adeegsado awood Qaran iyadoo laga jawaabayo haddalka dhaliisha ah oo Xaliima Yarey ay u marinayaan warbaahinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com