Maxay Jubaland ku dooratay in shirka lagu qabto Xalane?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdi xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay VOA ayaa faah faahin ka bixiyey shuruudaha ay ku xireen ka qeyb-galka shirka doorashooyinka ee ka dhacaya Muqdisho.

Wasiir Cabdi Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho shirka, waa haddii lagu qabanayo goob amaan ah, gaar ahaan Xalane.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay inay cabsi ka muujiyaan ciidamada dowladda federaalka, kadib weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland oo hadalkiisa sii wata in loo baahan yahay in la helo gacan saddexaad oo ka madax banaan saxiixayaasha heshiiska doorashooyinka.

“Wixii dhacay 19-kii Febaraayo waxa ay beertay xaalad kale, taasi dhibaato weyn oo dhacday ayay ahayd, diyaar ayaan u nahay ka qaybgalka Shirka balse waxaan dooneynaa goob amnigeedu sugan tahay, mar haddii la weeraray Musharixiinta la iskuma haleyn karo Dowladda, haddii aan la hureyn waxaan door-bideynaa Xerada Xalane oo saldhig u ah Wakiilada Beesha Caalamka” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Jubbaland

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo kaliya Jubbaland & Puntland ay ka maqan yihiin shirka wada-tashiga doorashooyinka, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, waxaana hada socda kulamo horudhac u ah shirkaasi oo ah mid xasaasi ah.