Maxay ka dhigan tahay booqashada madaxweyne Biden ee caasimada Ukraine?

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah Isniintii ku tegay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, kahor sanad-guurada koowaad ee billowga duulaanka Ruushka ee dalkaas.

Biden oo booqashadan ay u aheyd tii ugu horreysay ee uu ku tego dalkaas tan iyo billowgii dagaalka ayaa la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Isaga oo ka dhinac hadlay madaxweyne Zelensky kuna sugan Madaxtooyada Mariinsky, Biden ayaa dib u xusay cabsidii sanad kahor la qabay ee aheyd in ciidamada duulaanka ee Ruushka ay qabsan doonaan caasimadda Ukraine.

“Sanad kadib Kyiv weli waa ay taagan tahay. Sidoo kalena Ukraine waa ay taagan tahay. Dimoqraadiyadda waa ay taagan tahay. Dadka Mareykanka iyo Dunidana waa ay idin dhinac taagan yihiin,” ayuu yiri madaxweyne Biden.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa wacad ku maray “taageero aan la loodin karin” oo Mareykanka ku difaacayo Ukarine, wuxuuna ku dhowaaqay hub dheeri ah oo dalkaas la gaarsiin doono.

Haddaba, Maxay ka dhigan tahay booqashada madaxweyne Biden ee caasimada Ukraine ee Kyiv?

Maxamed Nuur Qalimow oo ka faallooda arrimaha Yurub, degenna UK oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in booqashada Biden ee caasimada dalka Ukraine ee Kyiv ay muujineyso in Mareykanka uu taageero 100% la garab taagan yahay Ukraine.

“Mareykanka ballan-qaadyada u sameeyay Ukraine ayaa waxa kamid ah in dhinac walba ka taageeri doonaan hadey noqoto hubka iyo dhanka dhaqaalaha. booqashada Biden macno badan ayay u sameynaysaa shacabka iyo dowladda Ukraine,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in booqashada Biden ee Kyiv ay kusoo aaday xilli uu Ruushka qorsheynayo in uu qaado guluf culus oo ka dhan ah Ukraine, si uu wax weyn uga bedelo dagaalkan dabada dheeraadaay.

“Waxay uga dhigan tahay madaxweynaha Kyiv iyo shacabkiisa in ay kor u kacday rejadooda dagaalka ayna ka mooral fiican yihiin markii uu billowday dagaalkaasi. Maalinta uu bilaabanayay maanta ayay ka niyad fiican yihiin.”

“Cidda kaliya ee Ruushka isku taagi karta dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaan waa Mareykanka, wax wey ayay uga dhigan Ukraine oo wax ayay ka bedeli doonta jihada dagaalka.”

Maxamed Nuur ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in dagaalkan uu muddo dheer sii socon doono, maadama dhinaca kale oo ah Ukraine ay taageero ka helayso Mareykanka oo si weyn isku hayaan Ruushka.

“Waxa aad mooda in dagaalkan u noqon doono mid sii soconaya oo adduunkana uu iskala qeybsan doono. Habka aan u jeedo iyo qaabka la iskugu diyaar garoobayo labada dhinaca waa sii soconaya sanadahan dagaalkaasi.”

Ujeedada booqashada Biden ee Kyiv, oo timid kahor safar la qorsheeyey inuu ku tago caasimadda Poland ee Warsaw, ayaa ah inuu hoosta ka xariiqo in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu garab taagnaado Ukraine “muddada ay doonto ha ku qaadato” in la iska caabiyo ciidamada Ruushka.

Waxay imaneysaa xilli cod-bixino ra’yiga ah oo la qaaday ay muujinayaan in aragtida shacabka ee ku aadan in Mareykanka iyo xulufadiisa ay hub iyo taageero dhaqaale siiyaan Ukraine ay hoos u dhacday.