Sacuudiga oo $1 bilyan ugu deeqay dowladda YEMEN

Riyad (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa lacag dhan 1 bilyan oo dollar dhigay bankiga dhexe ee Yemen ee fadhigiisu yahay magaalada Cadan Talaadadii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sucuudiga ee SPA, iyadoo dowladda dalkaas ay la daalaa dhacayso lacag yari ah iyo sare u kaca qiimaha shidaalka iyo badeecadaha.

Riyadh ayaa hoggaamineysa isbaheysiga militari ee Yemen oo dagaal kula jira Xuutiyiinta xulafada la ah Iran tan iyo 2015 kadib markii Xuutiyiintu ay ka saareen caasimadda Sanca dowladda uu Sacuudiga taageero.

Colaadda ayaa hakatay, iyada oo ay jirto nabad la’aan, maadaama dagaalku inta badan joogsaday, balse labada dhinacba waxay ku guul-darreysteen inay dib u cusboonaysiiyaan xabbad-joojin ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay oo dhacay bishii Oktoobar.

Ilaa hadda ma cadda in 1 bilyan oo doollar ay qayb ka ahayd xirmo taageero ah oo 3 bilyan oo doollar ah oo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta u ballan-qaadeen bishii May ee lasoo dhaafay dhaqaalaha Yemen.

Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay koonfurta ayaa la arkayay in dhaqaalaheeda guud uu sii xumaanayo kadib markii xarakada Xuutiyiinta ay weeraro isdaba joog ah ku qaadeen saldhigyada halkaas ku yaala kuwaas oo caqabad ku noqday dhoofinta shidaalka oo ah isha dakhli ee muhiimka ah.

Bishii Nofembar, Sanduuqa Lacagta Carbeed ayaa saxiixay heshiis $ 1 bilyan ah oo lagu taageerayo barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha Yemen.

VOA