Xisbiga Waddani oo Biixi ku eedeeyey arrin xasaasi ah oo ku saabsan Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku eedeeyay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi in ay leedahay hab dhaqankii dowladii kacaanka, maadaama ay Somaliland rasaas uga jawaabtay mudaharaadkii ka dhacay Laascaanood.

Xoghayaha xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadka reer Laascaanood aysan sabab la’aan u kicin, balse ay ku qasabtay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiye Muuse Biixi.

“Hab dhaqankii Siyaad Barre in aanu dhimanin waxa kamid ah dagaalka Laascaanood, waa dagaal sokeeye oo ka dhaxeeya Somaliland gudaheeda, maaha dagaal sabab la’aan u dhacay, 32 sanno oo Somaliland jirtay dadka reer Sool qalbigooda way hanan kari wayday,” ayuu yiri Xoghaye Khadar.

Waxa uu intaas kusii daray “Mudaharaadkii Siyaad Barre waxa ku dhintay arday iyo macalin, maalin kali ah ayay 7 qof ku dhimatay, su’aasha markaa aad is waydiinaysa waxay tahay xuska maalintani macno noocee ah ayuu kuu samaynaya, dhaqankii aad maalintaa diiday haduu wali jiro.”

Xoghayaha Waddani ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Somaliland in anay u cadaalad falin dadka reer Sool, oo nidaamka wax qaybsiga maammulka ay cadaalad ka waayeen, ayada oo sidaas ay tahay xukuumadda Muuse Biixi wax garowshiyo ah muujin wayday, sida uu sheegay.

“Waxaa la fulin waayay heshiisyadii ay xukuumaddii Siilaanyo la gashay Khaatumo oo waxa dhagaha laga fureystay AUN Cali Khaliif Galaydh mudadii uu Hargeysa ku sugna illaa oo uu ka geeriyooday,” ayuu yiri Xoghayaha xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi ay ku fashilantay in nabad-gelyo ay siiso dadka reer Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, kuwaasi oo kacay markii haldoor-koodii la dilay, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad, ayada oo ay fashilmeen dadaallo xal looga gaarayay xiisadda taagan, wuxuuna dagaalkaan sababay dhimashada dad ku dhow 100 qof, dhaawac 500 oo qof iyo burbur xooggan oo gaaray magaalada.