Maxay ka dhigan tahay in Somaliland laga helay kiisas cudurka Coronavirus ah?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xalay si rasmiya u shaacisay in labo kamid ah magaalooyinkeeda laga helay dad qaba cudurka sida weyn ugu faafay dunida ee Coronavirus.

Somaliland ayaa sheegtay in Labo qof oo ku kala sugan magaalooyinka Berbera iyo Burco laga helay cudurkaasi, iyadoo xustay in mid kamid ah uu yahay muwaadin Shiineys ah, halka midka kalena ay ku sheegtay Muwaadin haysta dhalashada Ingiriiska.

Haddaba, maxay ka dhigan tahay in deegaanada Somaliland laga helo cudurkan ay dunidu la daalo dhaceyso ee Covid-19 ama Coronavirus, kaasi oo ay wax ka qaban kari waayeen waddamo xaga caafimaadka kaga horumarsan Soomaaliya.

Somaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ayaa aad uga liidata xaga caafimaadka, heer ay gaadhay meeshii ugu xumeyd intii uu talada la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi, maadama Isbitaalkii weyna ee dowladdu gacanta ku haysay laga waayey Oxygen.

Dad ayaana u geeriyooday Oxygen la’aanta ka jirta Isbitaalkaasi, oo ay maamusho Wasaarada caafimaadka Somaliland oo hoostagta xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Xaalada caafimaad xumo ee ay Somaliland wajaheyso ayaa ka dhigeysa mid halis weyn ku ah Shacabkeeda in deegaanada ay maamusho laga helay cudurkan dunida ku faafay ee Coronaha, kaasi oo galaafan kara nafaf badan, maadama aysan laheyn adeeg caafimaad oo la isku haleyn karo.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba gara-martay talaabooyin ay aheyd inay uga gaashamato sidii uu cudurkan usoo gaadhi lahaa deegaanadeeda, maadama uu furnaa madaarkeeda Hargeysa oo ay ka soo dageysa diyaarada Ethiopian Airlines oo iyadu dad ka soo qaada dalal uu cudurkaasi ka jiro.

Somaliland ayaa iyadu walaac badan ka qabta in cudurkan uu si weyn ugu faafo deegaanadeeda, kaasi oo u faafa si dhaqso ah la iskuna gudbin karo si fudud.

Inkasta oo uusan si cad u jirin qorshe dhab ah oo Xukuumada Biixi kaga aadan Cudurkan, haddana waxay isku dayeysaa inay is-daba qabateyso, walow la aaminsan-yahay inay ka fiicneyd inay ‘ficiltan-ka’ Dowladda federaalka uu ka indho-tiro bad-qabka shacabkeeda.