Maxay ka dhigan tahay magacaabista WAARE ee IGAD, mase yahay qofkeedii?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Waare ayaa loo magacaabay ku-xigeenka xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

Ururkaan oo la aas-aasay 1986-dii waxaa ku jiray siddeed waddan. Soomaaliya weligeed kama mid noqon madaxda sare ee ururkaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo xileedkiisa hore raadiyay kursiga xoghayaha guud ee IGAD, waxaana markaas u rabay Xasan Cali Kheyre, oo markii dambe ra’iisul wasaare ka noqday Soomaaliya.

Markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib usoo celiyay hanka ah in Soomaaliya ay qabato mid kamid ah boosaska sar-sare ee ururkaan, oo ay ku jiraan dalalka Jabuuti, Ethiopia, Eritrea, Sudan, Uganda, Kenya, Soomaaliya iyo South Sudan.

Duullaanka Xasan Sheekh wuxuu kusoo dhamaaday kalkaan in Soomaaliya la siiyo ku-xigeenka qofka ugu sarreeya ururkaan, ama booska labaad ee hoggaanka fulinta ururka IGAD.

Waare hadda waa ku-xigeenka Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha fullinta ee urur-goboleedka IGAD.

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya la siiyo booskaan, Waare-se ma yahay qofkeedii?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu muujiyay in Soomaaliya ay muhiim u tahay inay hesho kursigaan.

Xasan ayaa waxaa la sheegaya inuu aaminsan yahay in magacaabistan sare u qaadeyso miisaanka dalka ee heer gobol, inay ka caawineyso in si weyn looga faa’iideysto fursadaha dhex yaalla dalalka ku jira ururkaan iyo inay mustaqbalka dhow keeni karto in Soomaaliya ay qaadato hoggaanka ugu sarreeya ee urur-goboleedka IGAD.

Maxamed Cabdi Waare, hoggaamiyihii hore ee maamulka HirShabeelle oo waqti badan lasoo shaqeeyay hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, oo isagu booskaan ay dowladda Soomaaliya ku qortay ayaa waxaa loo arka nin faham badan ka haysta shaqada ururkaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu bilihii ugu dambeeyay kala shaqeynayay arrimaha Xasillinta deegaanada laga saaray kooxaha argagixisada. Waxaana dadka qiimeynaya booskan weyn ee hadda loo magacaabay Waare ay muujinayaan rejo ku saabsan inuu Waare shaqo wax ku ool ah ka qaban karo urur-goboleedka IGAD, uuna si togan uga faa’iideyn karo Soomaaliya.

In Soomaaliya la siiyo kursiga labaad ee ugu sarreeya urur-goboleedka IGAD waxay kusoo aadeysa laba asbuuc kadib markii Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay ururka bulshada Bariga Afrika.

Dalka wuxuu u muuqda in markaan uu tallaabsanayo si qaan-gaadhnimo ah. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muujinaya inuu ka leexday dhabihii madaxdii ka horreysay oo aheyd in waqtiga ugu badan ee dowladda lagu gubo ceyrsiga siyaasiyiinta gudaha.

Soomaaliya waxay sidoo kale hadda tartan ugu jirtaa inay hesho kursiga xubinta aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya waxay hadda u baahan tahay inay si togan oo ilbaxnimo iyo caqli ku dhisan inay uga faa’iideysato kuraasta waaweyn ee ay ku fariisaneyso waqtigan iyo sidoo kale inay dunida tusto inay yihiin dad ay qalad aheyd in markii horeba la qadiyo.