Maxay ka wada hadlayaan Farmaajo iyo Museveni?

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo uu kula kulmayo maanta madaxweyne Yuweri Musaveni.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kasoo laabtay safar hal maalin ahaa oo uu ku tagay magaalada Istanbul ee dalka Turkey, halkaasi oo uu shir kula yeeshay madaxweynaha dalka Turkey Mr Erdogan.

Kulanka gaar ah ee ka dhacay Magaalad Istanbul waxa ay ugu wada hadleen sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab.

Wararka aan ka heleyno kulanka maanta ee Kampala ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu kala hadli doono dhigiisa Uganda, arimaha ciidanka, Amaanka dalka iyo qorshaha bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu kala hadli doonaa isbadalka geeska Africa ka socdo oo dalalka Somaaliya, Ethiopia iyo Eritrea hormuudka ka yihiin, iyadoo qorshaha uu yahay in isbadalkaasi ka socdo gobolka la balaariyo.

Dalalka Sudan iyo Jabuuti ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan isbadalka geeska Africa, iyaga qorshaha uu yahay inay ka qeyb galaan kulanka seddexaad oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Uganda
Caasimada@live.com