Jirdilka iyo dhibaatada ay Sacuudiga maxaabiista ku hayaan oo lasoo bandhigay

Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay in gabood fallo aad uxun ay ugeysanayso maxaabiista ay ku gurtay Xabsiyada wadankaasi iyadoo ku eedeynayso in ay mucaaradsanyihiin dhaxal suge Max’med Bin Salmaan.

Warbixin ay qortay hey’adda Amnesty ee hoos tagta Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in gudaha xabsiyada wadanka Sucuudiga ay ka jirto Nolol aad u xun, dadka maxaabiista ahna ay la kulmaan Tacdiib joogta, halka mararka qaarna ay loo geysto Kufsi, si ay u qirtayaan danbiyo aysan galin.

Warbixintan oo ay si wadajir ah kagasoo shaqeeyeen Hey’adaha kala ah Amnesty iyo HRW ayaa la faafiyey isbuucii lasoo dhaafay waxaana lagu wareystay qaar kamid ah dadkii kasoo baxay xabsiyada wadanka Sucudiga ee la xiray bishii May ee aan soo dhaafnay, xilligaas oo xukumada Sucuudiga ay qaadday Xamlo ballaaran oo ka dhan ah dadka kasoo horjeestay siyaasadeeda, oo isugu jira saxafiyiin, dad u dooda xuquuql insaanka, Barayaal Jaamacadeed iyo Wadaado ku sugna gudaha wadankaasi.

Xabsiga Thahban ee ku yaal xeebaha Badda Cas ee marta galbeedka wadanka Sucuudiga ayaa lasheegaya inuu kamid yahay xabsiyada ugu daran ee dadku Tacdiibka kula kulmaan, halkaas oo saraakiisha Sacuudiyanka ah ay ku isticmaalaan Koronto qofka looga dhajiyo Madaxa, Gacmaha iyo Lugaha iyo garaacis caadi ah oo Baarayaashu ay adeegsanayaan Karbaash, waxana laguso warramayaa in qaar kamid ah maxabista halkaas ku jira ay ka quusteen Socod, halka qaarkoodna aysan xitaa istaagi Karin.

Ilaalada xabsiga ayaa maxaabiista qaar ku xira oogada sare ee xabsiga oo ah goob Shamiinto ah oo banaan, oo aan laheyn gabbaad laga galo qorraxda kadibna halkaas ayay dhambacaad u jiifayaan oo maalinkii ay qorraxdu kula dhacdo, arrinkaas oo sababay in qaar kamid ah maxaabiista uu jirkoodu gubto maqaarkana uu ka dhoco.

Haweeney muslimad ah oo ku jirta Xabsiga Thahban ayaa warbixinta lagu sheegay in ay la kulantay Kufsi ay u geysteen Baarayaal Sucuudiyaan ah oo wajiga soo xirtay, arrinka noocaas ahna waxa uu noqday mid waayadan dambe kusoo badanayay dhagaha dadka musliminta ah ee kudhaqan gudaha wadanka Sucuudiga ee eheladooda ay ku xiran yihiin xabsiyada wadankaasi.

Sababaha dadka loo tacdiibayo ayaa lagu sheegay in hey’adaha sirdoonka iyo kuwa maamula xabsiyada ay ka doonayaan qofka maxbuuska ah inuu qirto dambi uusan galin, ama uu ballan qaado in uusan mar dambe mucaaradi doonin go’aan kasta oo kasoo baxa dowladda, mararka qaarna waxa ay tacdiibiyaan dad ay sheegeen in ay dhaqan celinayaan oo ay diideen towbadi ay dowladu usoo bandhigtay.

Waxaa jiro maxaabiis badan oo ku jira xabsiyada wadanka Sucuudiga, kuwaas oo aan loo ogolaan inay qabsadaan abuu kaate u dooda xuquuqdooda, sidoo kalena aan loosoo jeedin wax Tuhmo ah, loona diiday in ay la kulmaan ehaladooda arrinkaas oo isna ah dhibaatoyinka kajiro wadanka Sucudiga.

Xamlada lagu xirxiray dadkan ayaa soo bilaabatay Bishi May ee sanadkan 2018ka, waxa ayna saameysay In badan oo kamid ah culumada wadankaas, barayaal jaamacadeed, Saxafiyiin iyo dad badan oo kazoo horjeestay siyaasadaha uu la yimid dhaxal sugaha wadanka Sucuudiga maxamed bin salman.

Warbixintan ayaa kusoo aadeysa xilli dowlada Sucudiga ay wajaheyso cadaadis xooggan oo kaga imaanaya dowladaha caalamka, kaas oo salka ku haya dilkii Wariye Jamal Khashogji, kaas oo ka dhacay gudaha Qunsiliyada sucuudiga ee magaalada Istanbul, dilkaas oo la sheegay inuu ka danbeeyey Maxamed Bin Salman.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
Caasimada@live.com