Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay wasiirada ka socdo maamul goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay wasiirada waxbarashada dowlad goboleedyada oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka waxbarashada dowladda dhexe Faarax Sheekh C/qaadir

Madaxweynaha ayaa wasiirada waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed kala hadlay sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa dadaallada tayeynta waxbarashada.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay tayeynta iyo kordhinta fursadaha waxbarasho, tirada macalimiinta iyo xarummaha waxbarashada.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah oo tahay in caruurteennu ay helaan. Waxa ay nagu tahay waajib in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal anfaca dadkeena iyo dalkeena.” ayuu yiri madaxweynaha dowladda dederaalka Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xooga saareyn horumarinta waxbarashada dalka, si ay fursaddo u helaan caruurta Soomaaliyeed ee gaaray da’da iskuulka iyo kuwa kale ee aan fursadaha helin.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgelinayo hindiseyaal lagu kordhinayo qoondada maaliyadeed ee waxbarashada, si ay fursaddo u helaan caruurta Soomaaliyeed ee gaaray da’da iskuulka iyo kuwa kale ee aan fursadaha helin una baahan tababarro dhanka xirfadaha ah” ayaa lagu yiri.

Dhankooda wasiirada waxbarashada dalka ayaa madaxweynaha uga warbixiyey baahiyaha waxbarasho ee jira iyo sidii heerarka kala duwan ee dowladda iskaga kaashan lahayeen suurta-gelinta kordhinta fursadaha waxbarashada, manhajka & imtixaanaadka shahaadiga.