Maxay kala ahayen Meydadka Oromada ee maanta laga helay magaalada Bosaso?

Garoowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari laga helay Meydadka dhalinyaro la sheegay inay kasoo jeedan dalka Ethiopia.

Meydadka Dhalinyaradani oo labo ah ayaa la sheegay inay kasoo jeedan qowmiyada Oromo waxaana Meydkooda ka muuqda dhaawacyo kala duwan.

Dad dul tagay Meydadka ayaa sheegay in mid kamid ah labada ruux qoorta laga jabiyay sidaasna uu ku dhintay.

Ruuxa labaad ayaa la sheegay in loo dilay qaab silac ah, waxaana oogada jirkiisa qariyay dhaawacyo kala duwan.

Dad ku dhaqan boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in meydadka dadkaas laga soo helay meel u dhow Masjidul Faadumo ee laamiga bartaha isagoo qoortu jaban tahay, halka midka labaad laga helay Xafiis ay Maamulaan dadka wax tahriibiya.

Labada nin ayaa da’dooda waxaa lagu qiyaasay  ilaa  20,sida ay sheegeen Saraakiisha Isbataalka Weyn ee Magalada Boosaaso oo la geeyey meydadka dadkaas u dhashay qowmiyada Oromada ee lagu dilay Magaaladaas.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in labadaasi ruux laga kaxeystay goob ay ku qayilaayen, iyadoo falkaasi ay geysteen afar ruux oo la socday gaari nooca raaxada ah.

Maalin sii horaysay ayaa muuqaal nin Oromo ah oo la dilaayo lagu baahiyay Baraha Bulshadda, kaasi oo la sheegay inuu ku qeyla dhaaminaayay “Garoowe iyo Boosaaso anagaa leh”.

Ciidamada Ammaanka gobolka Bari ayaa bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan dadka dilka u geysanaya Oromadda.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili maamulka gobolka Bari uu shalay digniin adag kasoo saaray falalka lagu laynaayo dadka Oromadda ah.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com