Maxay magacaabista Xamza Cabdi Barre uga dhigan tahay siyaasadda Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo markii u horeysay ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inay Soomaaliya uga dhigan tahay inay u jiheysatay siyaasadda xisbiyada.

Prof. Afyare ayaa qaba in magacaabista Xamza ay sare u qaadeyso awoodda xisbiyada, taasi oo siyaasadda ka dhigeysa mid leh aragti iyo jiho ka badalan middii sanadaha badan lagu hogaaminayay dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa uu kamid ahaa xisbigii uu hogaaminayay madaxweynaha, runtii waa arrin muujineysa in loo socdo nidaamka xisbiyada oo halkii hore ee dad aan is aqoon isugu imaanayeen labada xil u sareeya waa soo badalatay, waana horumar ayaa isleeyahay marka dhinacaas laga fiiriyo,” ayuu yiri.

“Waxaa isleeyahay markasta oo loo sii dhawaado xisbiyo in siyaasadda ay waji, jiho iyo aragti ay yeelaneyso.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha ay hor-taallo dhaqan-gelinta hal-ku-dhigii ololaha madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ahaa “Soomaali Heshiis ah oo Dunida Heshiis la ah”.

“Golaha ha la xoojiyo oo dooduhu ha ka dhacaan oo go’aamada lagu gaaro ha noqdaan, oo yeysan noqon Gole uu iska leeyahay Ra’iisul Wasaaraha ama Madaxweynaha. Waxaa ku talinay in habka loo habeynayo wasaaradaha ay noqdaan hab la socda caalamka hadda cusub.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamza Cabdi Barre oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, horena u soo noqday xoghayihii xisbiga madaxweynaha ee UPD sanadihii u dhexeeyay 2011-2017.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.