Sawirro: Xamza oo la kumay Ra’iisul Wasaare ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha cusub Mudane Xamza Cabdi Barre u rajeeyay in Eebbe la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

Arbacadii ayey aheyd markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xamza, taasi oo uu si weyn u soo dhaweeyay Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud maanta u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS. Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajeynayaa guul,” ayuu Rooble ku yiri qoraal uu soo saaray Arbacadii.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa tan iyo markii la magacaabay kulamo ka bilaabay magaalada Muqdisho, isaga oo la kulmay guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, kaasi oo ahaa kulankoodii u horreeyey oo ahaa mid is barasho ah.

Sidoo kale waxa uu wada-hadalkii ugu horreeyey la yeeshay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka Cali Guudlaawe iyo Xamza ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa mid salaan iyo isbarasho ah oo ka dhashay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee shalay uun la magacaabay.

Labada mas’uul ayaa intaasi kadib iska xog wareystay xaaladda dalka, gaar ahaan isbedalka siyaasadeed ee dalka dhacay iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa.

Sidoo kale waxa ay diiradda isla saareen waxyaalaha hor-tabinta u ah waxqabadka xukuumadda cusub oo ay ka mid yihiin u gurmashada dadka ay abaarahu saameeyeen, amniga dalka iyo arrimaha dib uhishiisiinta.